Saraakiisha maamulka gobolka sh/hoose oo ku guuleystey in ay soo qabtaan kooxo la sheegey in ay jid gooyo iyo baarasho ku sameeyaan gaadiidka iyo dadweynaha.

0
626

Iyadoo beryahan ay soo baxayeen cabashooyin la xiriira jid gooyo iyo baarasho la sheegayo in ay ka dhacdo wadada u dhaxeysa afgooye iyo marka,waxeyna sheegeen maamulka gobolka sh/hoose iyagoo ka jawaabayo cabashada dadweynaha ay sameeyeen hawlgal ku qaadeen wadada laga cabanayey ayna ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan rag ku la bisan direyska ciidamada kuwaasoo isugu jira askar iyo shacab.

Marka ay maqlaan maamulka gobolku cabashadan ka imaneysey wadada u dhaxeysa marka iyo afgooye ama wax laga weydiiyo waxa ay wax uga qaban waayeen ayey ku sheegi jireen in ay ka danbeeyaan xarakada alshabaab,balse waxey u egtehey in eedaha laga soo sheegayo ciidamada dawlada.

Soo qabqabashada ragan jidgooyada iyo baarashada caadeystey ayaa imaneysa waqti ay dawlada federalku gacanta ku heyso inta badan gobolka sh/hoose,horena aan la maqlijirin burcadnimo iyo baarasho waqtigii ay xarakada alshabaab maamulayeen gobolka shabeeladda hoose.