Isbaheysi Ka Dhan ah M/weyne Lafta Gareen ayna Hugaaminayaan Shariif Xasan iyo Jawaari oo Muqdisho Looga Dhawaaqey.

0
462

Isbaheysi Siyaasadeed oo loogu magac daray Golaha Samata bixinta Koonfur Galbeed ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Waxaa ku mideysan isbaheysigan Madax iyo Xildhibaano hore, Siyaasiyiin, wasiiro iyo dhalinyaro ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed.

Xubnaha horboodaya Golahan waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee K/Galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan,  Gudoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari, Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamanka Somalia Maxamed shiikh Ibraahim Muudey, Wasiirka haweenka Somalia Xaniifa Xaabsade iyo siyaaiyiin kale oo caan ah.

Golahan ayaa si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo uu muran ka taagan yahay waqtiga muddo xileedkiisa ku egyahay ka dib markii baarlamanka baarlamanka maamulkaas uu muddo kordhin sanad ah u sameeyey laftagareen.

Siyaasiyiintan isbaheystay ayaa doonaya in muddo kordhintaas laga saaro meesha , isla markaana isbedel lagu sameeyo hogaanka sare. maamulka K/Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur galbeed C/casiis Laftagareen oo si weyn ay iskugu dhowaayeen dowladii madaxweynihii Madaxweyne Farmaajo ayaa isha ku haya isbaheysigan cusub ee isaga ka dhanka ah inkastoo aan la ogeyn qaabka uu uga hortegi doono.