Goobaha Ganacsiga Magaalada Jowhar oo Inta Badan Xiran Maalintii Labaad iyo Sababtu Waxa ay Tahey.

0
582

Waxaa Maalintii labaad xiran inta badan goobaha ganacsiga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, kadib amaro ugu yimid dagaalamayaasha Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa ganacsatada magaalada Jowhar ku amray iney tagaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/ dhexe oo ah xarunta ugu weyn Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolkaasi.

Ciidamada maamulka Hirshabeelle ee degmada Jowhar ayaa qufulo dulsaaray xarumaha ganacsi ee xiran Maalintii labaad kuwaas, kadib markii ganacsatadii laheyd goobahaasi ganacsi ay u hogaansameen amarka kasoo baxay Shabaab ee ahaa iney tagaan degmada Aadan Yabaal.

Lama ogo ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa ganacsatada magaalada Jowhar ee ay Al-shabaab u yeereen waxyaabaha ay kala hadlayaan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka magaalada Jowhar oo ku aadan goobaha ganacsiga degmada oo Maalintii labaad xiran.