Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka K/galbeed oo Shaaciyey Qabashada Doorashada 13 Kursi Golaha Shacabka ah.

0
509
Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa wuxuu shaaciyay qeybtii labaad 13 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baraawe .

Waa tiradii ugu dambeysay ee doorashada kuraasta taala magaalada Baraawe iyadoo shalay lasoo gabagabeeyay 13 kii kursi ee ugu horreeyay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si dardar ku wada doorashada aqalka hoose, waana maamulkii ugu horreeyay ee doorashada ku qabta magaalada labaad ee deegaanka doorashada.

Wajiyo cusub oo u badan dhallinyaro ayaa kusoo baxay doorashada ka socota Koonfur Galbeed, waxaana meesha ka baxay xildhibaanno muddo dheer kusoo jiray barlamaanka aqalka hoose.