Kuraasta Maanta lagu dooran doono magaalada Baraawe ayaa sunadoodu kala tahay HOP 165, oo ay ku tartami doonaan Saalim Caliyoow Ibroow iyo Aadan Cismaan Xasan, HOP 16, oo ay ku tartami doonaan Yuusuf Aadan Maxamed iyo Cabdullaahi Cismaan Faarax, HOP 44, oo ay ku tartami doonaan Maryan Maxamed Cali iyo Faadumo Xasan Cumar HOP 80, oo ay ku tartami doonaan Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cismaan Jibriil, HOP 250, oo isna ku tartamayaan Cabdalla Maxamed Shariif iyo Cali Maxamed Sheekh iuo HOP 160, oo ay ku tartami doonaan Maxamed Yuusuf Xuseen iyo Cali Abuukar Maxamed.
Maalinta berito ah ayaa sidoo lale Baraawe waxaa lagu dooran doona 6 kursi oo ka hareysa 7- da kursi ee Maanta lagu dooranayo Baraawe, taasoo ka dhigan in maamulka Koonfur Galbeed uu beri noqon doono maamulkii ugu horeeyay ee dhameystira doorashada Xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya Baarlamaanka ee 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.













