Maxkamaddu waxay sheegtay in ahaayeen shabakadii ugu dambeysay oo ay aas aaseen amiiradii Alshabaab u qaabilsanaa dilalka magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo sannadkii hore lagu fuliyay xukun wadareed dil ah.
Magacyada xukumanayaasha.
Farxaan feysal Salaad (Dil toogasho)
Cabdullaahi Feysal Xuseen (Dil toogasho)
Barkhad Cawil Xirsi Nuur (Dil toogasho)
Liibaan Aadan Muuse (Dil toogasho)
C/Qani Farxaan Cabdullaahi (30 sano xabsi ah)
C/Raxmaan Cawil Maxamed (20 sano xabsi ah)
Magacyada dadka ay dileen.
1: Gaashaanle sare Cabdirashiid Xaashi (Gebigebi) taliyihii hore ee ciiddanka birmadka gobolka Mudug.
2: Gaashaanle Gaani Cabdiraxmaan Nuur
3: Xildhibaan Mukhtaar Cumar Axmed Tiinle
4: Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Daahir
5: Ibraahim Sheikh Xasan Ciiro
6: Yuusuf Maxamed Xayir.
7:Gaashaanle dhexe Xaashi Aadan Cilmi (Farey)
8:Xiddigle Cismaan Xuseen Ismaaciil
9:Siciid Jaamac Maxamed (Siciid Maaradoona)
10: Cabdi Jaamac Xasan (Cabdi Gubbe).
Xukumanayaasha ayaa haysta racfaan ku siman 30 cishe, si ay u qabsadaan qareeno difaaca haddii aysan ku qanacsanayn xukunka lagu riday.












