“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno imaatinka Ambassador Larry André. Waxa uu aad u jecel yahay in uu la shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed, dowlad-goboleedkooda iyo dowladdooda federaalka ah, si aan u horumarino ujeeddada aan wadaagno ee ah, Soomaaliya dib u soo noolaynteeda si ay u noqoto dal ammaan ah, barwaaqo ah, oo dimuqraadi ah,” ayay tiri safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Larry Edward André Jr bishii abril ee sannadkii hore u doortay inuu noqdo danjiraha cusub ee Mareykanka u qaabilsanaan doona Soomaaliya.
Safiirka cusub ayaa beddelay Donald Yamamoto, oo ahaa danjiraha Soomaaliya tan iyo November 2018.
Bishii December golaha guurtida Maraykanka ayaa ansixiyay Larry Edward Andre Jr. inuu noqdo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.












