Qoraalka guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in diiwaan gelinta Musharaxiinta kuraasta la shaaciyay ku tartameysa iney bilaabaneyso berito oo Khamiis ah, islamarkaana doorashada lixdaan kursi ay dhici doonto Axada soo socota oo taariiqda ku beegan tahay 23.01.2022.
Kuraasta la shaaciyay tirsigooda ayaa kala ah HOP 28 oo uu ku fadhiyay afartii aano ee lasoo dhaafay Cabdulaahi Maxamed Aadan”Shaacir” HOP 93, oo isna ku fadhoyay Sheekh Nuur Maxamed Xasan HOP 107, oo ay ku fadhisay Xaawo Maxamed Aadan HOP 111, oo uu ku fadhiyo Maxamed Nuur Iftiin”Shambara” HOP 114, oo uu ku fadhiyo Cabdulqaadir Maxamed Cusmaan iyo HOP 120, oo uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Cabdulqaadir Sheekh Cali Ibraahin Baqdaadi.
Hoos ka akhriso Jadwalka Doorashada kuraasta la Shaaciyay.













