Ruux Nafti Halige ah oo Maanta Qarax Ismiidaamin ah La Beegsadey Afhayeenkii Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu.

0
568

Af-hayeenka xukuumada Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa lagusoo waramayaa inuu ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho lagula beegsaday.

Qof  isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa isku qarxiyay Maxamed Ibraahim Macalimuu, waxaana qaraxa lagula eegtay isagoo marayay wadada Maka A-lmukarama.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qofka is miidaamiyaha ah uu is ku qarxiyey gaari u watay afhayeen Macalimuu.

Illaa iyo hadda faahfaahin dheeraad ah lagama hayo inta uu le’eg yahay dhaawaca uu qabo macalimow oo tiro dhowr jeer  ah ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Lama sheegin cid kale oo wax ku noqotay qaraxa.

Bishii November ayay ahayd markii qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay naftii halige lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Afrika. Halka uu ku dhaawacmay agaasimihii telefishinka qaranka, Sharmaarke Maxamed Warsame.

Sida lagu Soo Warmayo Afhayeenka ayaa waxaa Soo Gaadhey Jab Xagga Lugaha Midkood iyo Firir Meelo jidhka ah ka galey Xaaladdiisun wey kasoo Reyneysaa Sida aan kasoo xigney Xubno ku sugan halka Lagu Daiibayo.