Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sida caadada u aheyd dilka kadib waxay tageen halka uu dilka ka dhacay, iyagoona sameeyay baaritaano ay ku baadi goobayeen raggii ka dambeeyay falkaas oo durbadiiba goobta isaga baxsaday.
Dilalka loogu geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed Dalka Koonfur Afrika ayaa maalmihii dambe sii kordhaya, waxaana todobaadkan gudahiisa lagu dilay dalkaas ilaa afar muwaadin oo dalkaasi kulaa goobo ganacsi.
Dhinaca kale warar ka imaanaya magaalada Port Elizabeth ayaa sheegaya in dukaamo xalay lagu gubay Duleedka Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.
Sedax Dukaan Oo Ajaanib ay leedahay ayaa dab la qabadsiiyay saqdii dhexe waxaana laba ka mid ah dukaamadaasi ay ku yaaleen tuulada Kwazakhele Iyado dukaanka kale sedaxaad ee lagu gubay tuulada Zwide sida laga so xigtay Afhayeenka booliska Col Priscilla Naidu.
Dhacdada dukaamada lagu gubay ayaa la rumeeysanyahay in ay daba socoto isku dhac shalay galinkii dambe Xaafadda Korsten ku dhaxmaray darawalada Taksileeyda iyo Soomaalida degan xaafadahaasi waxaana shalay la gubay in ka badan 10 Gawaari nooca caasiyada loo yaqaano.











