Taliska ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca ee la wareegay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo sheegay inuusan dhicin wax dagaal ah oo ay si nabadgalyo ah kula wareegern degmada Guriceel ayaa soo saaray amaro cusub.
“Waxaan ugu baaqaya shacabka ku dhaqan Guriceel iney is dajiyaan oo aysan wax qalqal ah isgalin ciidanku waa ciidankii Ahlu Sunna Waljameeca oo idiin shaqeyn jiray” ayuu yiri Taliye Cali Faarax.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dagaalkii shalay ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Galmudug oo isgarab sanaayay iyo ciidanka Ahlu Sunna ku dhexmaray degaanka Bohol ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, islamarkaana weerarka ay lahayeen ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug Ahlu Sunnana ay iska difaacday.
Xaalada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa Saaka oo sabti ah eh mid degan kadib markii ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca shalay galinkii dambe ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.











