Soomaaliya oo u Muuqatey in ay Kasoo Kabaneyso Qaran Jabkii iyo Burburkii ay ku dhexjirtey Muddo Kabadan Sodon Sano ayaa La moodaa in aaney Siyaasiyiinta iyo wax garadka soomaalidu aaney waxba ka baran oo ay weli ku taagantahey wadadii Mugdiga iyo burburka Halkii ay ka weecan lahaayeena isla iyadii ayey ku Socotaa.
Hadii aan intaas kaga Gudubno Ararta Qormadaan weli Maheyno habka wanaaga Hufnaanta ee Adeegga Bulshada kaas oo ay ku Dhexjirto in Qof walbaa is xisaabiyo kuna Fekero Shaqada aad bulshada u Haysaa Adduun iyo Aakhiro sidey kuu tahey?Dadku sidey kuu arkaan?Ma dhaliilantahey mise waad ku Amaanantahey?
Waxaa Lawada ogsoonyahey in aad marar badan Maqashaan hebel waa is Casiley Ama shaqadan waa leyga fiicanyahey oo ma buuxin karo taas oo dadka Smaaliyeed ka Maranyihiin Mijo iyo Madax waana Midda weli maanta aan Arkeyno Dad shaley leys lahaa waa dad wax garanaya oo wax soo bartey in ay ka xanaaqaan Dhaliisha kana fal celiyaan si Caro leh ama ka dhigaan wax Qabiil ku lug leh.
Sidaas oo kale hadii xil loo dhiibo hela Farxad iyo bogaadino dadku ay usoo diraan isagoon is weydiin hawsha laguu magacaabey Takhasuskeeda Ma leedahey oo Maka soo Bixi Kartaa? Halka Marka Xil Laga Qaado uu diido ama uu Si kale uga fal celiyo xil ka Qaadista lagu sameeyey taas oo isaga Qiima dil ku ah balse isaga la wanaagsan.
Gaban gabadii Halka maanta aan Mareyno waxaa ka muuqata in Dhamaan waxyaabaha aan soo Sheegney ay muuqdaan marka aad aragto Masuuliyiintii Dalka ugu Sareysey oo warbaahinta kusoo bandhigaya jawaabo iska soo horjeedo oo la xiriira xil ka qaadis iyo Diidmo ku kooban is faham la’aantooda oo aan marnaba laga fekereyn waxa qaranka iyo Dadka ay u Dhibi karaan.
Hadaba waxaan Talo kusoo Jedineynaa Wey Sahlantahey in aad waraqad qortid baraha bulshadana ku faafisid Adigoon xalin karin waxa ka dhasha Qormadaada,ogsoonaw in dantaada ay ka weyntahey danta bulshada aad u adeegeyso hana ku kadsoomin Maanta waa Adduun berina waa Aakhiro ee is Xisaabi inta aan lagu Xisaabin.











