Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xiliga uu Muqdisho ka furmayo shirka golaha wadatashiga qaran ee lagu waday inuu shalay ka furmo Magaalada Muqdisho.
“Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa si rasmi ah hadii Eebe idmo waxa uu Afisyoone ka furmayaa maalinta Sabtida ee 21ka Ogoosto iyada oo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay ka soo wada gali doonaan. Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu.
Magaalada Muqdisho waxaa Shalay gelinkii dambe soo gaaray Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, iyo Galmudug , waxana la filayaa Madaxweynayaasha kale ee Puntland iyo Jubbaland in ay Muqdisho soo gaaraan saacadaha soo socda.
Kulankan berito uga furmaya Muqdisho madaxda wadatashiga qaran ayaa la sheegay in looga hadli doono dardar gelinta iyo dhameystirka howlaha doorashooyinka dalka.











