Dagaal Ka Dhacey Deegaano Hoos yimaada J/hoose oo ay Guulo Ka Sheegteen Dagaalamayaasha Al-shabaab.

0
727

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Baarsanguuni oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxuuna dagaalka yimid kadib markii Al-shabaab weerar ku qaadeen Saldhiga ciidanka Baarsanguuni.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu dagaalka ahaa mid aad culus oo la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaas ay ku dileen 8 askari oo uu kujiro Sarkal ay Magaciisa ku sheegeen Yuusuf Aadan, sidoo kale ay kusoo qabsadeen 5 Qoray oo nooca AK47 ah, in kastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalka ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

  1.