Guddoomiyaha golaha wakiilada ee maanta la doortay Cabdiraaq Khaliif Axmed, ayaa ku guulaystay codad dhan 42 cod wuxuuna 3 cod dheeraaday Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo kasoo baxay xisbiga Kulmiye helayna 39 cod.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada, ayaa loo doortay Siciid Mirre Faarax (Giire) oo kasoo baxay xisbiga UCID kana tirsana isbahaysiga xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID wuxuna ku guulaystay codad dhan 41 cod isagoo 1 cod dheeraaday Cumar Jaamac Faarax oo kasoo baxay xisbiga UCID helayna 40 cod.
Jagada guddoomiye ku xigeenka 2aad ayaa loo doortay Cali Xaamud Jibriil oo kasoo baxay xisbiga UCID kuna guulaystay 43 cod isla markaana wuxuu 5 cod dheeraday Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo kasoo baxay isla xisbiga UCID belse ka tirsana isbahaysiga xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID wuxuuna helay 38 cod.
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa shirguddoominayay doorashada oo hab gacan taag ah u dhacday.











