Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa maanta si rasmi ah usoo gudbiyay liiska xubnaha Musharaxiinta ee ku tartamaya Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya qeyb ka mid ah.
Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland ayaa madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyay soo gudbinta liiska Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhinac kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka ee laga soo dooranaayo dowlad goboleedka Jubbaland.
Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyay in maalinta berito ah ay bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare.













