R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Kusoo Laabtey Magaalada Muqdisho kadib Safar uu ku Tagey Jubaland.

0
387

Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa 4 maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaaloyinka Kismaayo iyo Garbahaareey oo ka kala tirsan gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland.

Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa deeganada Jubbaland u tagay sidii xal waara loogu heli laha arrinta gobolka Gedo, isagoona kulama kala duwan lasoo qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada Garbahaareey iyo Kismaayo.

Raysal wasaare Rooble ayaa intuu ku sugnaa magaalada Kismaayo sheegay inuu tagi doono dhamaan magaaloyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

  1.