Qarax Gilgilay Agagaarka Isgoyska Banaadir oo Ka Dhacey Magaalada Mudisho iyo Khasaare uu Gaystey.

0
587

Qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa daqiiqado yar kahor  ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana la sheegay in lala bartilmaameedsanayay Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegaya inuu qaraxa geystay, waxaan goobta si deg deg ah u gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo xiray agagaarka goobta qaraxa ka dhacay.

  1.