Ardey Dhigta Jaamacadda Camuud oo Booliska Ilaalada Toogasho Ku Dileen iyo waxa Sababey?!!

0
552

Ciidamada ilaallada jaamacada Camuud ee magaalada Boorama, ayaa wiil dhalinyaro ah oo arday ah toogtay.

Wiil ka oo u dhintay dhaawac soo gadhay ayaa dhiganayay kulliyada engineering ka ee jaamacada Camuud.

Ardayga ayaa dhintay kadib markii ay is afdhaafeen mid kamida askarta sida arday jaamacada wax ka barta HOL u sheegay.

Maydka ardayga ayaa loo qaaday isbitaalka wayn ee Boorama.

Ciidamada dambi-baadhista ayaa ku howlan sidii ay u ogaan lahayeen waxa sababay toogashada.

  1.