Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland xornimadeeda wayday 1 July.
Faysal ayaa sheegay in 1 July shacabka Somaliland utahay maalin madow.
“1 July waxay shacabka Somaliland u tahay maalintii hooga iyo maalintii madoobayd” ayuu yidhi.
“Waa maalintii shacabka Somaliland hoos galeen maamul iyo dowlad juhalo ah” ayuu hadalkiisa ku daray.
Faysal ayaa sheegay in 1 July anay ahayn maalin Somaliland wax xidhiidha la leh.
“SYL Somaliland shaqo kumay lahayn sida uu sheegay ninkan aqligiisu ilamaha 5 jir ka ah yahay ee Farmaajo” ayuu yidhi.











