Dilalka Ka Dhacaya Magaalada B/weyne oo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Si Kulul Uga Hadley.

0
619

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay dilalka qorsheysan ee ka dhaca gudaha magaalada Baledweyne.

Isagoo ka qeybgalayay aaska allah u naxariiste guddoomiyahii dhalinyarada gobolka Hiiraan Faarax diir Cabdi Cali oo maanta lagu aasay magaalada Baledweyne.

Guddoomiye Jeyte ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska iyo qaraabada uu ka baxay marxuumka, waxuuna sheegay inaan la aqbali karin dilalka noocaan ah ee loo geysanaayo dadka haldoorka ah oo kusoo badanaya magaalada Baledweyne.

Magaalada Baledweyne waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo shaqsiyaadka caanka ah iyo xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya.

  1.