Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa sheegay in sanaduuqda doorashada ee dhamaan gobolada Somaliland, ay soo xeroodeen marka laga reebo 4 sanduuq.
“Sifiican bay usoo xoreedeen, waxan hada warbixintooda hayaa ilaa 4 sanduuq, oo aan wali goobohoodii soo gaadhin iyaguna wada nabad qaba” ayuu yidhi.
“Baabuurtii loo diray aya iyaga oo aan goobihii gaadhin dhexda wax ku noqday, marka baabuur kale oo badala ayaa loo diray, dhamaan intii kale waxay yimadeen xarumahoodi” ayuu hadalkiisa ku daray.
“Doorasho wanaagsan baa dhacday oo xor oo xalaal ah, oo wakhtigii loogu talo galay ee 7 am-6 am ahayd goobo badan wakhti dheeri ah ku darsatay” ayuu yidhi.Soo xeraynta sanaduuqda doorashooyinka deegaanka iyo wakiilada Somaliland ee shalay dhacay ayaa ilaa hada socota, sidoo kale waxa bar bar socota hubinta tirada codadka oo sida ilo lagu kalsoonyahay sheegayaan ay tiradoodu dhamaatay.











