Somaliland oo Beenisay in Sanduuq Doorasho Laga Qabsadey Wasiirka arrimaha gudaha Kaahin ayaa Ka Hadley.

0
575

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay sheegashada Puntland ee ah in ay sanaaduuq doorasho qabatay.

Wasiirka ayaa  sheegay in u jeedada ciidanka Puntland ay carqalad abuur ahayd laakin anay jirin sanaduuq ay qabsadeen.

“Wax ka jiraa majiraan, waa kuwii maamulka gobolka sanaag ka hadleen, nimankaasi niman carqalad abuuraya ayay ahaayeen, marka arrintasi way dagantahay wax dhibihina kama jiro” ayuu yidhi.

Ciidamada Puntland, ayaa maalintii shalay ku andacooday in ay qabteen sanaduuq ay ku jiraan kadhadhka codaynta Somaliland.

  1.