Wakiilka Midawga Yurub oo Kulan La Qaatey M/weynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaarshe Qoor oor.

0
560

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Nicolas Barlange.

Danjire Barlenge iyo madaxweyne Qoorqoor ayaa ka wadahadlay arrimaha hormarineed ee maamulka Galmudug iyo waliba sidii Midowga Yurub usii balaarin laheyd mashaariicda horumarineed ee ka wado deeganada maamulka Galmudug.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa uga mahadceliyay Danjiraha Midowga Yurub taageerada iyo gargaarka aay la garab taagan yihiin dowladiisa, sida lagu shaaciyay qoraal koobnaa oo kasoo baxay madaxtooyada maamulka Galmudug.

Danjire Nicolas Berlange ayaa sidoo kale u balan qaaday dowlad goboleedka Galmudug iney ka taageeri doonaan dhismaha Hay’adaha maamulka Galmudug, islamarkaana sida ugu dhaqsaha badan aay fulin doonan mashaariic dib loogu dhisaayo kaabayaasha dhaqaale ee dowlad goboleedka Galmudug.

  1.