AUN Geeridii ku timid M/kuxigeenkii hore ee Puntland C/samad Cali Shire oo M/weyne Farmaajo ka Tacsideeyey.

0
536

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire.

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Cabdisamad Cali shire waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale wuxuu u duceeyey marxuumka, isaga Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

“Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo,” ayuu sii raaciyey madaxweynaha

Genaral Cabdisamad Cali Shire oo ka mid ah aas aasayaashii Puntland ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay maamulkaasi, wuxuuna madaxweyne ku xigeen usoo noqday Faroole.

Waxaa lagu waddaa in saacadaha soo socdo la aaso, waxaana haatan socota qaban qaabada aaska loo sameynayo oo ay ka qeyb-geli doonaan mas’uuliyin kala duwan

  1.