Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Musharaxiin Ka Xidhnaa oo La Siidaayey Dhamaantood Marka Laga Reebo Hal Musharax.

0
568

Xukuumada Somaliland, ayaa xabsiyada kasii daysay 3 musharax oo in muddo ah ka xidhnaa xisbiyada mucaaradka, kuwaasi oo uu xadhigoodu cadho ka dhex abuuray mucaaradka iyo xukuumada.

Musharixiinta lasii dayay ayaa kala ah Cabdilaahi Xasan Xirsi iyo Cabdiraxman Yusuf Cali oo ka sharaxan xisbiga UCID iyo Qasim Aadan Sulayman oo ka sharaxan xisbiga Waddani.

Xogeeyaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa oo warbaahinta u xaqiijiyay in musharixiinta ka xidhna xisbigoodu ay ahayeen 3 musharax isla markaana 2 kamid ah lasoo daayay.

Xogeeyaha ayaa sheegay in musharaxa xabsiga ku hadhay anay guddida doorashooyinku ansixin musharaxnimadiisa.

Musharixiintan ayaa ku eedaysnaa in ay ka been sheegeen aqoontooda wax barasho, sidookalena musharax Qasim Adan Sulayman ayaa si gaara ugu eedaysnaa in uu xidhiidh la leeyahay dowlada Soomaaliya.

Xukuumada Somaliland oo markii hore ku adkaysanaysay in ay musharixiinta maxkamad la tiigsanayso ayaan ilaa hada ka hadal waxa sababay sii dayn tooda.

  1.