Magaalada Baydhabo ee Xarunta kmg ah Maamulka K/galbeed oo Qarax Ismiidaamin ah ka Dhacey.

0
629

Inta la xaqiijinayo ilaa saddex ruux ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay maqaaxi ku taala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa lagu waramayaa in soo galay goob laga shaaheeyo oo maqaaxi halkaasoo ay ku sugnaayeen dad rayid ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in xiliga uu qaraxa dhacayay uu goobta ku sugnaa guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere Dooyow.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa la sheegay in la dhigay goobaha caafimaadka magaalada.

  1.