Kulan Lagu Wargeliyey Xildhibaanada Barlamaanka oo Hadana La Ogeysiiyey in uu Baaqdey.

0
753

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wargaliyay in maalinta berri ah ay ka soo qeyb-galaan fadhi uu yeelanaya Golaha, kaasoo la sheegay in ajandihiisu yahay dhibaatada uu wadanka ku hayo caabuqa Covid 19.

Kulanka leysugu yeeray xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa imanaya kaddib markii uu baaqday fadhiggii maalintii shalay lagu balasanaa oo ay dood adag ka keeneen xidhibaannada qaar oo sheegay in golaha la horkeenayo ajande qorsoon oo ah muddo korarsi.

Balse Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulankii shalay kaddib qoraal uu saaray waxaa uu Shan Fadhi ka mamnuucay in ay ka soo qeybgalaan 15 xildhibaan oo ah mudanayaasha mucaaradka ee ka soo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya, kuwaa oo is horaagay in uu qabsoomo kulankii shalay.

Inkastoo kulanka berri sida kii hore oo kale lagu sheegay in ajanduhu yahay Covid 19, ayaa haddana dhinaca kale waxaan wali meesha ka marneyn shakiga laga qabo in fadhiga la horkeeni karo ajandaha muddo korarsiga, madaama haddii ay xildhibaannadu codsadaan lagu soo dari karo sida ay sheegeen mudanayaasha qaarkood.

Waxaase Goor Danbe La Ogeysiiyey Xildhibaada in kulankaasi Dib loo dhigay sidaas awgwwedna aaney xildhibaanadu berito kula yeelan doonin,waxaana la filayaa in R/wasaaruhu beri tago teendhada wadahadalka M/goboleedyada dalku isugu imaan Doonaan iyadoo maalinta xigtana la saxiixi doono heshiiskii 17/sep/2020.

Mudanayaasha laga mamnuucay fadhiyada Golaha Shacabka ee soo socda ayaa maanta shir jaraa’id ka sheegay in ay tagi doonaan kulanka maalinta berri ah,mana loo ogolaan doono sida aan ku helney warar hoose.

  1.