Todobaatan Xisbi Siyaasadeed iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka federalka oo Muqdisho Shir Ku yeeshay Aqriso warsaxafadeedka

0
1615

Mxs/SHW/01/02/21                                                                               Tr:23/3/2021

                          Shirweynaha Wadatashiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya.

         

                                            

UJEEDO:             War Saxaafadeed.

 

           Shir Wadatashi ay Yeesheen In kabadan Todobaatan Xisbi Siyaasadeed Haysta Shahaadada KMG,xildhibaano,Bulshada Rayidka,Aqoonyahano iyo Madax Dalka Soo Hogaamisay ayaa Waxaa Looga Wada Hadley Xaaladda Siyaasadeed ee Dalku Marayo Sida Doorashada,Amniga iyo Siyaasadda.

 

            Dood iyo Falanqeyn Dheer Kadib Waxaa Shirka Kasoo Baxey oo Madaxdii iyo Masuuliyiintii Shika Isku Afgarteen Qodoban Soo Socda

 

  1. In Si Shuruud La’aan ah Loo Hirgeliyo Doorashada Dalka iyadoo Laga Amba Qaadayo Heshiiskii 17kii sep/2020 iyo Kii ay gudiga Farsamada Dawladda Federalka,Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay Ku Gaareen Magaalada Baydhabo.

 

  1. In Ka Qayb galka Arrimaha Doorashooyinka Haddii Lagu Soo Darayo Dad aan Markii Hore Qayb Ka aheyn, Laga Wada Qayb geliyo Dhamaan Xisbiyada Siyaasada,Bulshada Rayidka iyo Siyaasiyiinta Dalka.

 

  1. In Haddii Shirkani Miro Dhal Noqon Waayo aan Waqti Danbe Lagu Lumin,Xukuumadda Dalkuna Barlamaanka Ku Celiso,una Sheegtaa in Heshiiskii ay Ansixiyeen Socon waayey,Go’aanna Ka Gaaraan Sidii Mar kale Dalka Loogu Soo Celin Lahaa Doorasho Qof iyo Cod ah.

 

 

  1. In Dawladda Dhexe iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay Xil Culus iska Saaraan Adkeynta iyo Sugidda Amniga Magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Xuduudaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ay La Leedahey Dalalka Deriska Nala ah.

 

  1. In Daneeyayaasha iyo Dublamaasiyiinta Ku Sugan Tuulada Xalane iyo Dalka Gudihiisa ay Faraha Kala Baxaan Wixii Wax u Dhimaya Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Arrimaheeda Gaarka ah Wixii Hadda Ka Danbeeyana Si Dhab ah Loola Xisaabtami Doono,Dalkana aysan Sii Joogi Doonin Ciddii Loo arko In ay Dhibaateynta Dalkan Ka Shaqeyneyso.
  2.