Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay xaflad ay shirkada Dahabshiil (Somtel) ku furaysay saamiyo, ayaa sheegay in abaaro soo food saareen dadka reer guuraaga ah ee Somaliland.
“110 kun oo qoys in kabadan ayaa maanta u baahan gurmad dag dag ah, maaha dhibaato kusoo socota, gurmad dag dag ah ayay u baahanyihii”, ayuu yidhi madaxweynuhu.
“70% dadkeena reer guuraga ahi waxay u baahanyiihiin in biyo la gaadhsiiyo, waayo barkadihiina way qalaleen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynuhu.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in muddo 45 cisho ah ay biyo dhaamis u samaynayeen dadka reer guuraaga ah.
“Dawlad ahaan muddo 45 cisho ah ayaanu shaqaynaynay, hawl lacagteedu ku kacday 220 kun oo dollar ayaanu biyo galinay” ayuu yidhi madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa sheegay in laga cabsi qabo in xili roobaadku dib u dhaco taasina ay keeni karto in baahidu sii korodho.
“Waxaynu filaynaa in kaliisheenu ay dheeraato, oo ilaa 20 ka bisha May ay inagu gaadho, dhibaataduna way sii kordhaysa” ayuu yidhi madaxweynuhu.











