Waddooyinka Magaalada Muqdisho oo Maanta wada Xidhnaa Meydka AUN Cali Mahdi M/weynihii Hore Awgeed.

0
752

Waxaa saaka xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana la arkayaa ciidamo badan oo lagu soo daadiyay wadooyinka kuwaas oo gaadiidka dadweynaha ka celinaya isgoysyada qaar.

Dadka shacabka ayaa ah kuwa lugeynaya wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, maadama ciidamada aay diideen isticmaalka gadiidka dadweynaha.

Inkastoo aanan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xiritaanka wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, walina aaysan wax war ah kasoo saarin dowladda Soomaaliya ayaa haddana warar hoose oo aay heshay Shabakadda WARSOM waxay sheegayaan xiritaanka wadooyinka iney la xiriirto aaska qaran ee loo sameynayo Madaxweynahii hore ee Soomaaliya alle ha u naxariiste Cali Mahdi Maxamed oo dhawaan ku geeriyooday dalka Kenya kaas oo lagu wado in maanta meydkiisa la keeno magaalada Muqdisho.