Afhayeenka Maamul Goboleedka Galmudug oo Sheegay In ay Dileen Xubno Al-shabaab Ka Tirsanaa.

0
656

Afhayeenka maamul Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed jawaab ka bixiyeen weerar hoobiyayaal ah oo xalay Al-shabaab ay ku qaadeen magaalada Dhuusa-Mareeb.

Afhayeenka ayaa sheegay in markii ay hoobiyayaasha ku dhaceen magaalada durbabadiiba ciidamadu ku bixeen halka ay ka soo dhacayeen madaafiicda iyaga oo dul tagay xubno ka tirsan Al-shabaab oo hoobiyayaal ridayay.

Wuxuu sheegay in xubnahaas qaar ka mid ah toogasho lagu dlay halka kuwa kalana la qabtay iyaga oo dhaawac ah.

Weerarkan xalay lagu qaaday Dhuusa-Mareeb ayaa imanaya magaaladu isku diyaarineyso shir u furmaya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka.