Xildhibaanada Kasoo Jeeda Maamulka Hirshabeele oo Kulan La Qaatey M/weyne Cali Guudlaawe.

0
708

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la kulmay xildhibaannada Baarlamaanka federaalka ku matala gobolka Hiiraan.

Xildhibaannada oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay madaxweynaha Hirshabeelle ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka madaama xildhibaannada deegaan doorashadoodu tahay Hirsahbeelle  iyo xaalada guud ahaan deegaannada maamulkan, gaar ahaan marka la eego kacdoonka gobolka Hiiraan oo siweyn looga horyimid doorashadii sanadkii hore ka dhacday magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo xildhibaannada ayaa ilo ku dhaw dhaw kulanka waxaa ay sheegayaan in ay isla soo qaadeen sidii xal loogu heli lahaa kacdoonka iyo diidmada ka dhan ah maamulka  Hirshabeelle ee ka jira gobolka Hiiraan.

Hasse ahaatee ma jirin wax qoddobo ah oo laga soo saaray kulanka ama ay isku afgarteen madaxweynaha iyo Xildhibaannada marka laga soo tago in ay iska xog wareysteen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaalada gobolka Hiiraan.

Maamulka Hirshabeelle ayaa wajahaya caqabad xooggan oo uga imaneysa dhinaca Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan ee fadhiggoodu yahay magaalada Beledweyne oo ku tilmaamay doorashadii Jowhar mid sharciyad ku fadhiyin.