Saciid Dani oo Dawladda Federalka Ugu Baaqay In Culeyska Iyo Cadaadiska Laga Qaado Jubaland.

0
938

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay cadaadiska ciidan ka dulqaado Gobolka Gedo,si ay dowlad goboleedka Jubbaland u qabato doorasho madax bannaan oo lagusoo dooranayo xildhibaanada golaha shacabka.

“Dowladda federalka waa inay ciidamadeeda jooga Garbahaareey kala baxdaa, si ay Jubbaland u qabato doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri madaxweyne Deno oo ka hadlayay shirka iskaashiga a beesha caalamka iyo  Soomaaliya.

“Jubbaland waxay leedahay awood sharci oo ay doorashadeeda ku maamulan karto, si lamid ah dowladdaha xubnaha dowladda federalka, arintani waxay caqabad ku tahay in la gaaro doorasho xor ah,” ayuu sii raaciyay madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan  kulan u yeeshaan hoggaamiyaasha dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, si ay wax iskaga weydiiyaan walaaca laga muujinayo doorashada iyo sidii geeddi socodka doorashada loosii dargar galin lahaa.