Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Fiqi oo Baarlamaanka Ka Codsadey In La Ansixiyo Xeerka Amniga.

0
1243

Wasiirka ammaanka ee maamul goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa Baarlamanka dowlad goboleedkaas ka codsaday in la meel mariyo sharciyo la xiriira arrimaha nabad-gelyada deegaanka oo muhiimad badan u leh Galmudug.

Fiqi ayaa sheegay in Baarlamanka ay si quta dheer u darsaan muhiimadda uu sharcigaan u leeyahay badbaadada bulshada iyo hor’umarka maamulka.

“Waxaa muhiim ah in xildhibaannada ay si fiican sharcigaan u ansixiyaan si loosoo af-jaro colaadaha beelaha iyo la dagaallanka argagaxisada “ayuu fiqi u sheegay warbaahinta.

Maamulka Galmudug ayaa ku jira dhismaha hay’adahii nabad-gelyada,  Waxa uuna wasiir fiqi horay u sheegay iney sameysanayaan ciidamo taya leh.