Sarkaal Ka Tirsanaa Al-shabaab oo Mareykanku Sheegay In uu Duqeyn Ku Dilay.

0
743

Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa fuliyey duqeyn xagga cirka ah oo lala beegsaday hoggaamiye sare oo al-Shabaab ah oo ku sugnaa agagaarka Saakow.

“Waxaan la shaqeyneynaa la-hawlgalayaashayada Soomaaliyeed, waxaan sii wadaynaa daciifinta iyo sumcadda shabakadda al-Shabaab,” ayuu yiri Jeneraal Bradford Gering, kuxigeenka agaasimaha howlgalada.

Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika wuxuu sheegay inuu hadda qiimeynayo inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay duqeyntaas.

Taliska Mareykanka wuxuu sheegay in xasilloonida Soomaaliya aan lagu gaari doonin qaab militari oo keliya. balse u baahan tahay dowladnimo adag iyo bixinta barnaamijyo dhaqaale iyo fursad oo loogu talo galay dadka Soomaaliyeed.

ciidamada Mareykanka ayaa gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya waxayna adeegsadaan habab badan oo wax ku ool ah oo ku habboon si ay gacan uga geystaan badbaadinta dadka Soomaaliyeed.