Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda{Hormuud Qaran} oo War Saxaafadeed Kasoo Saarey Shirkii Dh3.

0
1140

ISBAHEYSIGA XISBIYADA SIYAASADA HORMUUD QARAN                                                                                                                                                                                                         اﺋﺗــــــــﻼف اﻷﺣــزاب اﻟﺳﯾﺎﺳﯾــــاﻟوطﻧﯾــــــــــﻓﻲھــــــــــرﻣود

COALITION OF HORMUUD NATIONAL POLITICAL PARTIES

 

Ref:IXS/HQ/001/2020.                                                                                                                                                                                             Date:24/08/2020

War Saxaafadeed.

Aragtida isbahasiga xisbiyada hormood qaran ee ku aadan goaamadii ka so baxay shirkii dhusa-mareeb 3.

 

1-isbahaysigu wuxuu ku baqayaa in si dhaqso leh loo hello heshiis ay u dhan yihiin dowlada federalka, maamul goboleedyada iyo asxaabtu siyaasadda islamarkanna la qabto shir goaan lagu mideysan yahay lagaga gaarayo arrimaha doorashooyinka

 

2- isbahasigu wuxuu ku talineyna in qodobadii ka so baxay shirkii dhusa-mareeb 3 laga qabto wixii caqli gal ah ee la hirgelin karayo

 

3- isbahasigu wuxuu u mahad celinayaa maamulka iyo shacabka reer galmudug oo dadaal dheer u galey sidii ay madaxda  somalidu ku heshiin lahayd iyagoo mudnaanta siinaya sidii ay midnimo siyaasadeed uga gaari lahayeen arrimaha doorashooyinka.

 

4- Isbahasigu wuxuu ugu baqayaa Wax Garadka Soomaaliyeed inay shir isugu keento dowlada  federalka,maamul goboleedyada, asxaabta siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah si go’aan  lagu mideysan yahay loga gaaro arrimaha doorashooyinka Dalka.

 

5- Ugu Danbeyntiina isbahasigu wuxuu dhowaan so saari doonna tallo bixin iyo qeexid ku    aadan qodobadii ka so baxay shirkii dhusa-mareeb3.

 

Wabillaahi Towfiiq.

Dhamaad.

 

 

 

 

 

 

 

Contact Us:          Email isbaheysi35@gmail.com/Tel 0616467944 or 0615537042.