Gaari walxaha Qarxa Laga Soo Buuxshey oo Lala Eegtay Hotel Elite. ee Magaalada Muqdisho.

0
771

Qarax loo adeegsaday gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir. Waxayna wararku sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah .

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lagu dhuftay iridda hore ee Hotel-ka Elite ee ku yaalla dacalka xeebto Liido.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa laga maqlay badi xaafadaha Muqdisho . ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay laamaha ammaanka ee Dowladda.

Wixii kusoo kordha qaraxan ka dhacay Muqdisho kala soco hadduu Alle Idmo warbaahinta Warsom.