Barlamaanka Aqalka Hoose oo Maanta Ansixinaya Qodobo Kamid ah Xeerka Axzaabta ay Bedeleen.

0
760

Waxaa maanta xarunta Villa Hageysa kulan ku yeelanaya xildhibaannada aqalka hoose ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxayna ka hadli doonaan mid kamid ah ajendayaal horyaallay maalmihii lasoo dhaafay.

Qaar kamid ah xildhibaannada oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in xalay loo soo diray farriimo, ku aaddan in kulankii caadiga ahaa ee dhici jiray Arbacada .

Waxaa maanta xildhibaannadu ay ka hadli doonaan wax ka bedalka xeerka Xisbiyada, waxaana la filayaa in maanta cod la geliyo.

Baarlamanka Aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa ku jira kalfadhigii 7-aad oo ah kii ugu dembeeyay,Iyadoo Mudo Xileedkoodu ka Harsanyahey wax ka yar Shan bilood Iyagoo meesha ka saarey in Gabadha yaanyada gadda,iyo kaamka ku jirta iyo danyarta ay helaan metelaad iyo in ay fursad siyaasadeed helaan Taas oo barlamaan ku sheegu isbaaro u dhigtey meeshana ka saarey Sababtoo ah waxey xeerka axzaabta ku dareen qodobo dadkaas aan soo sheegney hor istaagaya iyo Lacag in wax lagu noqdo.