Wasaaradda waxbarashada ee Jamhuuriyadda fedaralka Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaaminta madashada wasiirrada waxbarashada ee Jaamacadda Carabta, xilkaan ayaa Soomaaliya ugu dembeysay sanadkii 1983-dii.
Xilkaan ayaa waxay wasaaradda waxbarashada dalka hayn doontaa muddo labo sano ah.
Wasiir-dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa u sheegay warbaahinta in Soomaaliya iney qabato mas’uuliyaddan ay u leedahay muhiimad gooni ah.
“Runtii xilkaan waxaan innoogu dembeysay qabashadiisa muddo fog, waxayna maanta innoo sameyneysaa micno gaar ah ‘ ayuu u sheegay saxaafadda wasiiru dowlaha waxbarashada dalka Cabdiraxmaan Maxamuud.
Soomaaliya oo dib ugasoo kabaneyso colaadihii muddada dheer dalka ka jiray, ayaa hadda kasoo muuqaneysa saaxadihii caalamka ee lagu yaqaannay bari hore.











