Afarta ruux ee la xakumay oo dhammaantood joogay maxkamadda, waxaana laba kamid ah lagu riday xukun ah dil toogasho, halka laba kalena lagu xukumay shan sano oo ah xabsi ciidan.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay baaritaan dheer kadib, dhageysiga doodda dacwad oogayaasha iyo garyaqaannada dhinaca kale difaacayay oo ay wehliyaan marag furka marqaatiyaal maxkamadda hor yimid, kadib ay qaateen go’aanka maxkamadda oo ah.

In eedeysanayaashii kala ahaa dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim ay ku heleen dambiga ah dilka taliyihii Gorgor iyo shakhsi kale oo isla goobta kula dhintay , sidaas darteedna ay Maxkamadda ku xukuntay dil toogasho halka labadii eedeysane ee kale ay Maxkamadda ku ridday xukun ah shan sano oo xabsi ciidan ah.Dhinaca kale waxa uu guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga uu sheegay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaas in uu u furanyahay racfaan.











