Wacyi Gelinta Dhalinyarada ee Covid-19 oo Dawladda Soomaaliya Ku Dadaaleyso.

0
460

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiyay gudiga ka hortagga xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya, waxaana si weyn looga hadlayay habka ugu fudud ee looga wacyi-gelin kara bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka oo ahaa mid khadka internet-ka ah ayaa waxa uu dhammaan dhinacyadii ka qeyb-galay ee guddigan qeybta ka ah ayaa waxa uu ku booriyay in ay la yimaadaan istiraatiijiyad wacyi-gelin ah oo la xiriirta dhalinyarada.

Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu qeexay in dhalinyaradu ay yihiin laf-dhabarta bulshada sidaas darteed ay muhiim tahay in loo helo wacyi-gelin dhab ah.

Soomaaliya, waxaa aad u baahaya xanuunka COVID-19,  dowladdana dadaal adag ayeey ugu jirtaa sidii xanuunkaasi loo xakameyn lahaa ayuu Yiri R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.