Xanuunka COVID-19 ayaa aad ugu faafaya Soomaaliya, iyadoo hadda lagasoo sheegayo in kiisas laga helay maamul goboleedyada qaar, taas oo muujineysa in Coronavirus uu aad ugu sii baahayo guud ahaan waddanka.
Maanta oo keliya ayeey wasaaradda caafimaadka Soomaaliya sheegtay in dalka laga helay Yihiin 79 xaalad oo cusub, waxaana kiisaskaan lagasoo weriyay gobolka Banaadir, Koonfur galbeed iyo Jubaland,iyadoo Ay Jiraan Tuulooyin Iyo Degmooyin Aaney Duruuftu Saamaxeyn In Warkooda La Helo
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in kiisaska cusub ee la helay ay yihiin 38 xaalad oo Gobolka Banaadir ah, 22 kiis Jubaland laga diiwaan-geliyay, 11 lagu arkay Koonfur galbeed iyo 8 qof oo la sheegay in laga helay Puntalnd.
Wadarta isu-geynta dadka xanuunka COVID-19 ku qaaday Soomaaliya ayaa gaaraya 835 ruux, waxaa maanta u geeriyooday 3 ruux, halka la xaqiijiyay in 14 ruux ay ka bogsadeen.
Inkastoo xanuunka uu sii baahayo, haddana dowladda Soomaaliya waxay ku dadaaleysaa sidii loo xakameyn lahaa,Allaha Naga Hayee.











