Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxey qalab caafimaad oo loogu tala-galay ka hortagga xanuunka COVID-19 ku wareejisay maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa waxey qalabkas ugu tala-gashay in looga howl-galo goob laga sameeyay magaalada Baydhabo oo si dadka lagu karaantiilo. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa waxey sheegeen iney doonayaan in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay si wada-jir ah xanuunkaan ula dagaallamaan.
Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku ammaanay dadaallada dowladda dhexe iyo ka warqabka Maamullada ka jira Soomaaliya, sida ay warbaahinta u sheegeen markii qalabkaan ay la wareegayeen.











