Daadad Kusoo Rogmadey Magaalada Qardho ee G/bari oo Sababey Khasaare Naf iyo Maalba Leh.

0
1012
Ku dhawaad 10 qof oo u badan carruur ayaa ku geeriyooday daad kusoo rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bari, kadib markii halkaas ay ka da’een roobab mahiigaan ah.
Warar kale oo aan si dhab ah loo hubin ayaa sheegaya in khasaaruhu intaas kasii badnaan karo, ayna jiraan dad nolol iyo geeri lagu la’ yahay oo ay biyuhu la tageen.
Waxaa socda gurmad xoogan oo ka imaanaya dhinaca maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Daadadka oo xalay magaalada kusoo rogmaday ayaa sidoo kale khasaare xoogan u geystay dhismayaal badan oo magaalada kuyaala oo ay ku jiraan suuqyo iyo hotelo, waxay sidoo kale la tageen gaadiid yaryar iyo kuwa xamuul ah.Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhowayd u ambo baxay magaalada Qardho, iyagoo halkaas u tagay sidii loo xoojin lahaa gurmadka waxyeelada ka dhalatay daadadka kusoo rogmaday Qardho.

 

Maalmo kahor hay’addaha saadaasha hawada ayaa ka digay roobab culus oo kusoo wajahan gobolka Bari ee Soomaaliya waxayna kasii digeen khasaaraha ka dhalan kara daadad ka dhasha Roobka.

Dhanka Kale Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasdda Soomaaliya oo Ka Hadley Daadadka Kusoo Rogmadey Qardho ayaa Sheegay In ay La Wadaagayaan Xanuunka ay Gaysteen Daadadkaasi Iyagoo Sidoo Kale Uga Digey Dadka Ku Dhaw Inta uu Maaro Webiga Shabeele oo Aad LoogaCabsi Qabo in uu Ku Fataho Meelo Badan ayuu Yiri Gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya Cali Maxamed Nuux Timajilic oo Warbaahinta La Hadlay.