Caburin iyo Weeraro ay Sheegtay In Lagu Hayo Saxaafada Soomaaliya oo ay Ka Hadashey Xildhibaanad Ilhaan Cumar.

0
817

Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Soomaalida Minnesota ayaa cambaareysay weerarada lagu qaadayo xorriyadda saxaafadda iyo cabsi-gelinta saxaafadda Soomaalida.

Ilhan waxay sheegtay Ololaha cabsi gelinta ka dhanka ah weriye Harun Maruf oo katirsan laanta afsoomaaliga ee VOA, inay tahay mid aad looga naxo.

Waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay si dhakhso leh u joojiso weeraradan lagu qaadayo xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda.

Waxay tidhi,” Weeraradan, oo ay weheliso xarigii 14-kii Abriil ee Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo loo xiray ka hadlida saamaynta COVID-19 ee Soomaaliya, waa xadgudub aan la aqbali karin oo laga galay xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha.”