Dalka Jabuuti oo Xanuunka Covid-19 Lasoo Sheegayo In uu Aad U Faafayo.

0
760

Cudurka COVID-19 ayaa aad ugu faafaya Waddanka Jabuuti , iyadoo saacadihii lasoo dhaafay lasoo wariyay inuu ku dhacay dad badan, sida lagu sheegay war kasoo baxay waaxda caafimaadka dalkaasi.

Inta la xaqiijiyay wadarta isu=geynta dadka uu soo ritay bushiga Coronavirus ayaa gaaraya guud ahaan waddankaasi 435 ruux, waxaana xanuunkaasi dartii Jabuuti ugu geeriyooday laba ruux.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay xaaladda Caafimaad ee soo korortay, iyadoo inta badan horay loo fasaxay shaqaalaha dowladda badi, marka laga reebo kuwa si gaar ah hayo shaqooyinka lagama maarmaanka ah.

Dalka Jabuutii oo dadkiisu yihiin in ka yar hal milyan, waxaa ku sugan ciidamo kasoo kala jeedo Waddamo kala duwan oo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Mareykanka oo uu Cudurka COVID-19 dalalkoodu saameyn xooggan u geystay.