Ergooyinka Ka Qayb Galaya Shirka Puntland oo La Gaarsiiyey Illaa 1.500 Qof.

0
821

In ka badan 1,500 ergo ah ayaa ka qeyb galay shirka wadatshiga Puntland oo goor dhowayd ka furmay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, halkaas oo maanta ku jirta jawi ka duwan midkii hore.

Ergada shirka wadatashiga Puntland ayaa lagula taliyay in aanay is gacan qaadin sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Puntland, oo shirka ka jeedisay warbixin ku saabsanayd xaaladihii ugu dambeysay ee cudurka Coranavirus.

Waxaa goobta shirka ka muuqatay feejignaan sare oo xagga caafimaadka ah, iyadoo la marayay tilaabooyin waajib ah, sida in qofku gacmaha iska mayro ka hor inta uusan hoolka shirka gelin. Waxaa sidoo kale Puntland madasha ku diyaarisay shaqaalaha gurmadka degdega iyo gaadiidka ambalaasta.

Walaaca ugu weyn ee la qabo ayaa ah dadka tirada intaas le’eg halista caafimaad ee ka imaan karta iyadoo caalamka waqtigaan la joogo la mamnuucay isku imaatinka heerkaan  ah oo ay dhici karto in uu ka faa’idaysan karo feyraska COVID.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada, ayaa sheegay in shirkaan looga tashandoono aayaha iyo masiirka Puntland.