Wasiirka arrimaha dibada dowladda federalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada shirweynaha wadatashiga Puntland.
Wafdiga uu hoggaaminayay oo isugu jiray wasiirro iyo xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka ayaa ka qeyb galaya shirka wadatashiga Puntland oo Garowe ka dhacaya 15-ka bishaan march.
Wasiirka arrimaha dibada Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Kheyre ay bogaadin usoo direen shacabka Puntland ayna guul u rajeeyeen shirka wadatashiga.
Wuxuu sheegay wasiirku inay Puntland marti qaaday wakiilada u matala dowladda federalka Soomaaliya si ay shirkaan kaalin uga qaataan.
Shirka wadatashiga Puntand ayaa la filayaa inuu kulmiyo dad badan oo kala aragti duwan, iyadoo ay xusid mudan tahay in weli guddiga qaban qaabadu aanu soo gudbin ajendaha shirkaan.











