Kenya oo Ergo U Dirtey Ethiopia Si Loo Dhex Galo Soomaaliya iyo Kenya.

0
963

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Xoghayihiisa golaha xukuumadda, Fred Matiang u diray inuu lasoo kulmo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Wafdigaan ayaa ujeedadoodu tahay sidii ay raysal wasaaraha Ethiopia ugalasoo hadli lahaayeen inuu qeyb ka qaato dadaallada lagu doonayo in lagu xasiliyo xiisadda u dhexeysa Kenya iyo Somalia.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Itoobiya ay cadaadis ku saartay madaxweyne Farmaajo inuu si toos ah ula hadlo Madaxweyne Uhuru si loo dajiyo xiisadaha gobolka oo aanayn ka faa’iideysan  Alshabaab.

Tallaabadan ayaa timid markii la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya ay ku baaqeen wada-shaqeyn iyo wadahadal dhexmara mas’uuliyiinta Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxayna ka codsadeen in dhammaan hawl-wadeennada ay is xakameeyaan kana fogaadaan ficillo rabshado kicin kara.